Dowladda Puntland ayaa soo saartay awaamiir cusub oo amni, kuwaas oo lagu mamnuucayo dhaqdhaqaaqyo ay ku tilmaantay kuwo sharci-darro ah, isla markaana lagu xaddidayo dadka xilalka ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya ee doonaya inay Puntland ka fuliyaan kulamo iyo hawlo siyaasadeed.
Puntland Oo Adkaysay Tallaabooyinka Amniga
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland ayaa lagu sheegay in shir ay yeesheen hay’adaha amniga iyo wasaaradaha ay khusayso kadib la isku raacay qodobo dhowr ah oo lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in gaadiid tikniko ah iyo maleeshiyaad aan sharciyeysneyn aan lagu dhex wadan karin gobollada Puntland, iyadoo cid kasta oo ku xadgudubta amarkaasi laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Dowladda Federaalka Oo Looga Digay Faragelin
Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday in ciidamo maleeshiyaad ah lagu abaabulo ama lagu dhex qorto deegaannadeeda, iyadoo sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas.
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah uga digay dadka xilalka ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu eedeeyay inay ka shaqeynayaan abuurista qalalaase ama dhibaatooyin amni, iyadoo Puntland ku amartay inay ka fogaadaan dhaqdhaqaaqyada noocaas ah gudaha deegaannadeeda.
Puntland Oo Mamnuucday Tahriibta Iyo Shirarka Aan Fasaxa Lahayn
Qodobada la shaaciyay waxaa sidoo kale ku jiray mamnuucidda tahriibta, iyadoo Puntland sheegtay in cid kasta oo lagu qabto falalka tahriibinta ama fududeynteeda lala tiigsan doono sharciga.
Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa reebay shirar aan fasax rasmi ah laga haysan hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo qabata ama ka qaybqaadata kulamo aan loo marin habraacyada sharciga ah.
Baaq Ku Socda Dowladda Federaalka
Puntland ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso waxa ay ku tilmaantay hub sharci-darro ah oo lagu soo daabulayo deegaannada Puntland, isla markaana ay ka fogaato tallaabooyin keeni kara xiisado amni.
Go’aamadan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo bilihii la soo dhaafay saameyn ku yeeshay wada shaqeyntii labada dhinac.

