Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay booqashada gumeystaha Israa’iil . Tani waxay noqonaysaa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne ka socda Maamulka Goboleedka Somaliland uu ku taga gumeystaha Israa’iil , tan iyo markii gumeystaha Israa'iil ay si sharci daro ah aqoonsatay madax-bannaanida Maamulka Goboleedka Somaliland khilaafsana sharciyadda caalamiga ah.
Gumeystaha Israa’iil oo soo dhaweyn heersare ah u saameeyay Cirro
Madaxweyne Cirro waxaa lagu soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada ee Jerusalem, halkaas oo uu si fool-ka-fool ah ula kulmay Madaxweynaha gumeystaha Israa'iil, Isaac Herzog. Madaxweynaha gumeystaha Israa'iil Herzog wuxuu fariin gaar ah ugu daabacay baraha bulshada ee twitter X isagoo ku qoray Ingiriisi iyo Soomaali: "Ku soo dhawow Israel."
Madaxweyne Maamulka Somaliland ee Cirro, oo ka mid noqday madaxweynihii afaraad oo Muslim ah ee booqasho rasmi ah ku tago gumeystaha Israa'iil, ayaa ka jawaabay isagoo ku sheegay in maalintan ay tahay tallaabo cusub oo furaysa bog ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo ixtiraam labada dhinac.
Booqasho soconeysa shan maalmood oo berri (Isniinta) ah waxaa la filayaa in Cirro la kulmo Ra'iisul Wasaaraha gumeystaha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa'ar.
Dhanka kale, waxaa qorshaysanayaa in si rasmi ah loo furo safaaradda Maamulka Goboleedka Somaliland ee magaalada Qudus , Cirro ayaa la filayaa inuu la kulmo in ka badan 200 ganacsato iyo maalgashade oo yuhuud ah, kuwaas oo lala hadli doono mashaariic la xiriira biyaha, beeraha casriga ah iyo tamarta dib-u-cusboonaysiinta.
Asalka xiriirka gumeystaha Israa'iil iyo maamul goboleedka Somaliland
Xiriirkan cusub wuxuu billowday bishii Diisembar 2025, markii gumeystaha Israa'iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay oo xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si sharci daro ah u aqoonsada Maamulka Goboleedka Somaliland.
falcelinta dowladda Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan weligeed si rasmi ah u aqoonsan Maamulka gumeystaha Israa'iil iyadoo la safan inta badan dalalka Islaamka ee ka soo horjeeda duullaanka iyo xasuuqa ka dhanka ah Gaza—ayaa si adag mar kale u cambaareysay xiriirka u dhexeeya gumeystaha Israa'iil iyo maamulka Somaliland. Tani waxay dhalatay ka dib markii Madaxweynaha Maamulka gobleedka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uu maanta si rasmi ah u bilaabay booqasho uu ku tagay Qudus.
Dowladda Federaalka ayaa si adag uga horjeesatay aqoonsigii sharci-darrada ahaa ee ay Israa'iil bishii Diisembar 2025 ku aqoonsansatey Maamul goboleedka Somaliland, kaas oo ka horboodaya shuruucda caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhul ahaaneed ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u qeexay qorshaha xiriirkan iyo furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus inuu yahay "musiibo weyn" iyo "ceeb."
Booqashadan hadda socota oo qaadanaysa shan maalmood laguna soo dhaweeyay Madaxweyne Cirro Aqalka Madaxtooyada gumeystaha Israa'iil ee Isaac Herzog, ayaa walaac baahsan ka dhex abuurtay fagaarayaasha caalamiga ah. Ururrada ay ka mid yihiin Jaamacadda Carabta, Ururka Isbahaysiga Islaamka (OIC), iyo Midowga Afrika ayaa iyagoo garab taagan mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ka muujiyay walaac xoogan, iyagoo ka cabsi qaba in tallaabadan Israa'iil ay khatar weyn ku tahay nabadgelyada gobolka iyo mabda'a ixtiraamka xuduudaha dalka Soomaaliya iyo dalalka Afrika.