Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Si Adag Uga Hortimid Safarka Cirro kutagey gumeystaha Israa’iil

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Si Adag Uga Hortimid Safarka Cirro Ee Israa’iil

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid safarka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku tegay gumeystaha Israa'iil iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka hor imanaysa dastuurka dalka, shuruucda caalamiga ah iyo mabaa’di’da siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Safarka Madaxweyne Maamulka Somaliland ee Cirro

War qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay cambaaraynayso booqashada Cirro ee gumeystaha Israa’iil, gaar ahaan xilliga ay sii socdaan colaadaha iyo dhibaatada bani’aadamnimo ee ka jirta dhulka Falastiiniyiinta.

Dowladdu waxay sheegtay in maamulka Somaliland uusan lahayn awood sharciyeed oo uu ku matalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya arrimaha dibadda, isla markaana xiriirrada caalamiga ah ay yihiin awood u gaar ah dowladda dhexe.

Dowladda Oo Xustay Dastuurka Iyo Mowqifka Soomaaliya

Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo mabaa’di’da dhowrista madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay mar kale ku celisay taageeradeeda qadiyadda Falastiin, iyadoo sheegtay inay garab taagan tahay xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta iyo dadaallada lagu raadinayo xal waara oo nabadeed.

Saameynta Iyo Falcelinta Laga Filayo

Safarka Cirro ee gumeystaha Israa’iil ayaa durba dhaliyay dood siyaasadeed iyo falcelin kala duwan gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba. Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in arrintani ay sii kordhin karto khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah iyo jawaabo rasmi ah oo ku saabsan booqashada iyo natiijooyinka ka soo baxa.