Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ku casumay kulan wadatashi ah oo la muddeeyay 10-ka bishan. Kulankani wuxuu saldhig u noqonayaa wada-hadallada xasaasiga ah ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ku mideysan.
KULANKII UGU HORREEYAY: QADO SHARAF OO NOQDAY GOGOL-XAAR
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulan qado ah ku yeeshay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho — hotelkan oo ku yaalla afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo guddiyada farsamo ee labada dhinac, kuwaas oo horey kulamo dhowr ah uga yeeshay ajendaha shirka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa aad u koobay, wuxuuna sheegay in uu wada-hadal diyaar u yahay, ayna tahay in shirka berrito sii socdo oo uu ka dhaco Villa Soomaaliya.
MURAN GOOB IYO MAALMIHII TAXANAA EE XIISADDA
Tan iyo markii ay Muqdisho yimaadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan xiriir toos ah la samayn.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonayay in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ay u arkeen in goobta ugu habboon ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa muddo ka badan toddobaad ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyagoo degay xayndaabka garoonka ee xerada Xalane.
DOORASHOOYINKA IYO MUSTAQBALKA WADAJIRKA
Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan waxaa la sheegay in uu salka ku hayo baahida loo qabo wadahadalo dhab ah oo laga yeesho geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Kulankani waxaa la filayaa in xubnaha labada dhinac ay sii socdaan, si xal looga gaaro mad-madowga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, lagana heshiiyo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.
Shirka ayaa lagu wado in maalin Khamiis ah uu furmayo, waxaana haatan kulan gaar ah xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ku shirsan Airport Hotel ay wada tashanayaan hanaanka ay tahay iney madaxtooyada ku tagaan, kooxda hab-maamuuska ee loo ogol yahay iyo saxaafada.
Kulankii ugu horreeyay ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka wuxuu xoogeeyay rabitaanka labada dhinac ee wada-hadalka, inkastoo arrimaha kala-duwanaanshaha ay weli socdaan.
Shirka rasmi ah ee Villa Soomaaliya waxaa la filayaa in uu door muhiim ah ka ciyaaro xallinta xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.
