Qoorqoor oo Diiday Magacaabista Dowladda Federaalka, Taliyihii Hore ee Booliska Galmudugna Dib u Soo Celiyay

Qoorqoor oo Diiday Magacaabista Dowladda Federaalka, Taliyihii Hore ee Booliska Galmudugna Dib u Soo Celiyay

Khilaaf siyaasadeed oo cusub ayaa ka dhex qarxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kadib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu buriyay magacaabistii taliye cusub oo loo magacaabay Booliska Galmudug, isla markaana xilkiisii dib ugu celiyay taliyihii hore ee xilka laga qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyano) ayaa dhawaan xilka ka qaaday taliyihii Booliska Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin, isagoo u magacaabay taliye cusub Gaashaanle Maxamed Daahir. Hase yeeshee, Madaxweyne Qoorqoor ayaa wareegto uu soo saaray ku diiday magacaabistaasi, wuxuuna si rasmi ah shaqada ugu celiyay Khaliif Cabdulle Maalin.

Dowladda Federaalka ayaan weli wax war rasmi ah kasoo saarin tallaabada uu qaaday maamulka Galmudug, halka sidoo kale maamulka Dhuusamareeb uusan si cad u sheegin sababta ka dambeysa go’aankaasi.

Khilaafkan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo muranka la xiriira qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay waddo Villa Soomaaliya. Madaxweyne Qoorqoor ayaa hore uga horyimid guddiyo ay dowladda dhexe u xilsaartay arrimaha doorashada ee ka shaqeynaya Galmudug, taasoo sii xoojisay shakiga ku saabsan xiriirka labada dhinac.

Wararka siyaasadeed ee soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay dooneyso isbeddel ballaaran oo lagu sameeyo hay’adaha amniga Galmudug, halka maamulka Galmudug uu arrintaasi u arko faragelin lagu sameynayo awoodihiisa maamulka.

Xiisaddan cusub ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato xaaladda amni iyo wada-shaqeynta ciidamada ee deegaannada Galmudug, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Tallaabooyinka iska soo horjeeda ee labada dhinac ayaa muujinaya in khilaaf siyaasadeed oo cusub uu si rasmi ah u curtay, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug uga falceliyaan xaaladdan saacadaha iyo maalmaha soo socda.